Wiil Soomaaliyeed oo codsanaya in talo wanaagsan la siiyo kadib arin murugo badan oo ku dhacday

30/08/2013 13:55

Mid ka mid ah aqristayaasha ku xiran Shabakadan Xiiso ayaa nasoo gaarsiiyay talo weydiisasho dareen iyo murugo xambaarsan isagoo naga codsaday inaan bulshada aqristayaasha ah u gudbino dhibkiisa si ay talooyin kala duwan u siiyaan.

Qoraalka wiilkan ayaa sidan u qornaa inagoon waxba ka bedelin…!

Waxaan ahay wiil dhalinyaro ah soomaali ah waxaan jiraa 25 waxaan ku nool nahay wadanka Kenya aniga iyo xaaskeyga.

Waxaan ahay aroos cusub gabarta aan guursaday waxaan la sheekeysanayay 5 sano, daacad Ayaan isku ahayn wax walba oo nolosheyda ku dhaca ama aan sameeyo waan u sheegi jiray, ayadana sidoo kale.

Alxamdulilah hada waan guursaday lakin Hal mid ayay iga qarisay isla markaaana ay been iigu sheegtay, taasoo niyad jab iyo maroola dilaac igu noqotay.

Habeenka arooska Ayaan waxaan ogaaday inaysan gabar aheyn ana aad Ayaan uga xumaaday waayo way iga qarisay arintaa anigana waligay inan aanan gabar u galmoon waan u sheegay si daacad ah.

Laakin ayada way iqiyaantay hadana aad Ayaan uga Aamin baxay dumar oo dhan waayo qofti aan 5 sano jeclaa oo hadana xaaskeyga ah ayaa iqiyaantay.

Marki aan weydiiyay maxaad ii qiyaantay?  waxay tiri Inaad iguursan waydo Ayaan ka baqay oo aad inacdo..

Dhamaan aqristayaasha Xiiso.com waxaan ka codsan lahaa talo wanaagsan oo faa’iido ii leh, hadii aad booskeyga ku jir laheydeen maxaad sameyn laheydeen……?!!! Mahadsanidiin..

Fadlan Boggeena Facebook LIKE saar

1 Comment

  • Asc walaalkay salaan kadib, horta waxaa kugu dhadey arin aad looga xumado oo niyad jableh, saas ay tahey waa gabar walaashaa ah illaahey dartiis ugu ceeb qari iska hayso baan kugula talin lahaa illaahey agtiisa khayr ka heleesaa

Aragtidaada dhiibo, Anshaxana ilaali


Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.