Maxaad ka taqaanaa dhaqtarada caalamka ugu da’da yar iyo sida ay ku gaartay

23/07/2013 09:31

Hogaamiyaha Dalka Lubnaan Mishel Suleyman ayaa Abaal-marin siiyay Iqbaal Al-Ascad oo ah Dhaqtarad Falastiin u dhalatay, taas oo lagu magacaabay Dhaqtaradda ugu Da’da yar Dunida.

Iqbaal waxay ka qalin-jabisay Kuliyadda Caafimaadka iyadoo jirta 20 Sano, waxaana taas ugu wacnaa Garaadkeeda oo aad u sareeyay.

Waxaa 6 Sano ka hor ay noqotay Ardaydda Dhaqtarnimada barata tan ugu Da’da yar Dunida, iyadoo markaana lagu qoray Buugga Jiinis la yiraa ee Dadka Astaamaha gaarka ah ee aanay Bani aadamku wadaagin uu Ilaaheey siiyay.

Dhaqtaraddu waxay kasoo jeeddaa Tuulo la yiraa Magaar Al-Kheyd oo ka tirsan Magaalada Safd ee Falastiin.

Qooyskeeda ayaa Sanadkii 1948-kii Lubnaan Magan-galiyo kasoo doontay, gaar ahaanna Deegaanka la yiraa Al-Baqaac.

Iminka waxay Iqbaal u diyaar garoobeeysaa inay tagto Mareeykanka, halkaas oo ay Waxbarashadeeda kasoo dhamaysanayo si ay ugu taqasusuto Daweeynta Caruurta.

Waxay ka sheekeeysay Sababaha u fududeeyay inay Caafimaadka guud ku barato Waqti aad u kooban, iyadoo sheegtay in Aabaheed uu ka dambeeyay inay Waxbarashada si xowli ah ugu qaadato.

Aabaheed ayaa arkay inay Gabadhani leedahay Garaad heer sare ah iyadoo Da’deedu ay markaas aad u yareed oo ay ku jirtay Dugsiga Xanaanada ee Ilmaha aan Waxbarashada gaarin la geeyo.

Markii ay Iskuulka hoose gashayna waxay Iqbaal sheegtay in Aabaheed uu Maamulaha Iskuulka ku yiilay Bar Ilyaas oo Maxamed Cumar Caraaji la yiraa kula heshiiyay inuu ka caawiyo sidii ay Gabadhu Labadii Fasalba Hal Sano uga gudbi lahayd.

Sidaas ayeey Iskuulkeedii ku dhamaysatay iyadoo jirta 12 Sano, waxaana Wasiir hore oo lagu magacaabo Cabdi Raxiim Muraad uu ka caawiyay markaa ka dib inay hesho Fursad ay Imtixaanka Jaamacadda ee Shahaadada Bacholar-ka ugu fariisato.

Iqbaal ayaa Dalka Qatar u safartay markii ay Dugsiga Sare dhameeysay, taasna waxaa ka caawiyay Wasiirkii Waxbarashada ee Xilligaas Khaalid Qabani oo Deeq Waxbarasho ugagasoo helay Al-Sheikha Mozah oo Marwada Amiirka Qatar ah.

Qoyskeeda ayeey Iqbaal ka heshay Daneeyn heer sare ah, waana mida ka kaalmeeysay inay Guuleeysato, iyagoo Qoyskuna ay u raaceen Qatar si ay u Garab taagnaadaan inta ay Waxbarashada ku jirto.

“ Ilaa iminka Qoyskeygu way I taageerayaan. Fadliga koobaad waxaa leh Ilaaheey, ka dibna Aabaheey Maxamuud Al-Ascad. Uma malaynayo inay Qoysasku sidan in la eg u daneeyaan Caruurtooda sida ay anigu Qoyskeeygu ii yeelayaan oo kale. Waxaa jira Caruur aad u Garaad iyo Caqli sareeya, laakin waxay seegeen Taageerada Daboolka looga qaadi karo Kartidooda” ayeey tiri Iqbaal.

Markaan waxay ka sheekeeysay waxa ku kalifay inay barato Caafimaadka iyadoo arkeeysa Qaybo kale oo Cilmi ah, waxaana ay tiri “ Illaa kolkii aan yaraa, aad ayaan ugu han-waynaa inaan Dhaqtarad noqdo. Kaasi wuxuu ahaa aniga Rabitaankeeyga. Waxaan go’aansaday inaan Dhaqtaradda Caruurta noqdo. Sidaas darteedna waxaan u Safri doonaa Mareeykanka si aan Taqasusu ugasoo qaato Jaamacadda Cleveland Clinic ee Ohio”.

Guusha ay Iqbaal gaartay ma aha mid iloowsiisay Arrinta Falastiin, waayo iyadu waxay ku adkeeysanaysaa inay u adeegto Dadkeeda.

“ Mustaqbalka dhaw waxaan haminayaa inaan noqdo Dhaqtarad Taqasus heysata oo u adeegta Shacabkeeda Falastiin iyo Cid kasta oo Kaalmo iga doonaysa. Sidoo kale waxaan ku han waynahay inaan aas aaso Goobo Caafimaad oo Dadka Xeryaha Qaxootiga ku jira u gaar ah” ayeey tiri.

Fadlan Boggeena Facebook LIKE saar

Aragtidaada dhiibo, Anshaxana ilaali


Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress
Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.